GUDDIGA DOORASHOOYINKA IYO XUDDUUDAHA JUBALAND OO KULAMO MIRO DHAL AH LA YEESHAY ODAYAASHA DHAQANKA BEELAHA JUBBALAND.
Guddiga Madaxa banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Odayaasha Dhaqanka beelaha Jubaland, kuwaas oo door ku leh soo xulista Xildhibaannada ku matali doona Baarlamaanka Dowladda Jubaland.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo hannaanka doorasho cadaalad iyo hufnaan ku dhisan.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland, Dr. Mursal Siyaad Maxamed ayaa warbaahinta u faah-faahiyey jadwalka doorashooyinka iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin inay ku qabsoomaan si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyada lagu hagi doono geeddi-socodka dimuqraadiyadda Jubaland.
Dr. Mursal ayaa intaas ku daray in guddigu ilaa hadda kulamo miro-dhal ah la yeesheen Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Jubaland si loo xaqiijiyo in beel walba ay si waafaqsan awood qaybsiga u soo xulato Xildhibaannada matalaya.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhammaan dhinacyada si looga dhabeeyo hannaanka doorasho ee u adeegi doona danta dadka iyo dowladnimada Jubaland.
Guddiga Madaxa banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa ku hawlan sidii loo hirgelin lahaa hanaan doorasho ku dhacda waqtigii loo jadwaleeyay.
……………………………DHAMMAAD……………………………….
Subscribe to get latest update & news
© Copyright 2024 by JIBEC