Guddiga Madaxa-bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland (GMXD) ayaa halkan kula wadagaayaa dadweynaha Soomaaliyeed, shacabka Jubaland iyo dhammaan daneeyeyaasha Doorashooyinka Jubbaland, warbixin kooban oo ku saabsan doorashooyinka Jubbaland, waajibaadka GMXD iyo diyaarinta doorashooyinka tooska ah (qof iyo cod) ee Dowladda Jubaland.